Abuja(INO)-Warar goor dhow soo baxay ayaa sheegayo in hogaamiyihii hore ee milatariga ahaa ee dalka Nigeria hadana ahaa hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee All Progressives Congress, jeneraal Muhammadu Buhari uu ku guuleystay doorashooyinka madaxtinimada Nigeria oo si adag loogu loolamay.
Muhammadu Buhari ayaa tirinta codka intay socotay waxaa soo baxday inuu ku hogaaminayay madaxweyne Good Luck Jonathan wax ka badan 1500000, hal milyan iyo bar codad ah ayada oo uu Muhammadu Buhari helay inta badan codadkii gobolada dalka Nigeria gaar ahaan dhanka Waqooyi ee dalkaas oo ay ku xooganyihiin taageerayaashiisa oo u badan Muslimiinta Hausa-Fulani.
Sida ay wakaalada wararka Reuters daabacday, tiro ay ayada sameysay Mohammadu Buhari ayaa helay 15.4 milyan oo codad ah halka uu Good Luck Jonathon helay 13.3 milyan oo codad ah.
Waa markii ugu horeysay ee uu hogaamiye mucaarad ah si dimuqraadi ah loogu doorto dalka Nigeria ayada oo ay dalkaas hareeyeen musuq maasuq iyo dagaalo ay wado kooxda Boko Haram.
Idale News Online, Abuja