Afgooye(INO)- Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeelada Hoose, gaar ahaana magaalada Afgooye ayaa xaqiijinaya in weerar culus lagu qaaday goor dhaw kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaasna la gubay qaar ka mid ah gaadiidkii Madaxweynaha galbinayay.
Saraakiisha ciidamada KGS ayaa sheegay in uu bad qabo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, hadana lagu hayo goob amaan ah oo kamid ah gobalka Shabeelada Hoose, waxa ayna sheegeen in lagu soo qaaday duulaan qorsheysan.
Ciidamada Shabaab ayaa weraray kolonyadan uu la socday Madaxweyne Shariif Xasan mar ay ka baxeen magaalada Afgooye, isla markasna ay doonayaan in ay usii gudbaan dhinaca magaalo madaxda gobalka Shabeelada Hoose.
Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas waxa ayna sheegeen in ay doonayeen in ay khaarijiyaan yoolkoodana ay gaareen, sida uu sheegay Afhayeen uhadlay Shabaab.
Idale News Onlin, Afgooye