DEG DEG:Kooxo Hubeysan Oo Muqdisho Ku Dilay Muwaadiniin u Dhashay Dalka Turkiga

0
312

Muqdisho (INO)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerar qorsheysan oo Kooxo hubeysan ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen Muwaadiniin u dhashay Dalka Turkiga.

Weerarkan oo ay fuliyeen Dabley hubeysan oo saarnaa Gaari ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay gelinkii dambe ee maanta Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hodan ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku dhinteen labo u dhashay Dalka Turkiga oo midi ay aheyd Haweeney iyo Labo kale oo Soomaali ahaa, kuwaasi oo lagu kala sheegay Darawalkii Gaariga u waday iyo mid ka mid ah Ilaaladooda.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale u sheegay Warbaahinta in Weerarkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 kale oo ka soo jeeda isla Dalka Turkiga, kuwaasi oo lagu dabiibayo Xarumaha Caafimaad oo iyagu ay gacanta ku hayaan.

Kooxihii ka dambeeyay falkaasi lagu Dilay Muwaadiniintaasi Turkiga ahaa ayaa lagu soo waramayaa in durbaba goobta ay isgaa baxsadeen.

Turkiga ayaa Soomaaliya waxaa ka joogo Muwaadiin badan kuwaasi oo shaqooyin kala duwan ka wada qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Ilaha muhiimka ah oo ay ku sugan yihiin Muwaadiniintaasi u dhashay Dalka Turkiga ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka Digfeer, Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya Weeraro mararka qaarkood lagu beegsado Muwaadiniinta Turkiga ee ku sugan Caasimada Dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkan lagu Dilay Muwaadiniintaasi ka soo jeeday Dalka Turkiga oo ka dhacay Degmada Hodan ee Magalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here