DEG DEG:Koox hubaysan oo Wariye iyo Xaaskiisa ku dishay magalada Baydhabo

0
288

Baydhabo(INO) Wararka laga helayo magalada Baydhabo xarunta Gobalka Baay ayaa sheegaya inuu halkaasi xalay ka dhacay dil laga wada nacay, ka dib markii koox aan la aqoon haybtooda xalay magalada ku dileen Wariye Soomaali ah iyo Murwadiisii.

breakingIdaleNews

Kooxdan hubaysan ayaa guriga Wariyaha iyo Xaaskiisa uGu dhacay, ka dibna rasaas la dhacay oo isla markiiba goobta ka baxsaday, ilaa iyo haddana lama yaqaan cida ka danbaysay falkan oo guud ahaan warbaahinta dalka ka wada naxeen.

Wariyaha la dilay ayaa lagu sheegay in la yiraahdo Daud Cali Cumar, wuxuna ka tirsanaa Idaacadda Baydhabo.

Madaxwaynaha mamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa falkan naxdinta leh ka tacsiyeeyay, wuxuna sheegay inuu ka xun yahay, hadalkan ayuu madaxwaynaha ka sheegay wajiga labaad shirka arriamah Soomaaliya oo maantey ka furmay magalada Garowe.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here