DEG DEG:Doorashada Xilka Madaxnimo ee Jubba oo Goor-dhow ka billlaabatay Kismaayo

0
219

kismaayo(INO) — Waxaa goor-dhow xarunta Caymiska ee Kismaayo ka billowday doorashada xilka Madaxweynaha Maamulka Jubba, iyadoo xilkan ay ku tartamayaan afar murashax oo uu ku jiro Madaxweynihii hore ee maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Doorashadan ayaa waxaa ka Qayb-galaya Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo ay ku jirto Wasiiraddii hore ee Arrimaha Dibadda DFS, Fowziyo Xaaji, iyadoo sidoo kale uu ku sugan yahay C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Somalia.

Sidoo kale, Waxaa hoolka ay doorashadu ka dhacayso ku sugan Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Jubbaland oo dooran doona madaxweynaha cusub ee uu yeelanayo maamulkaas.

Wariyaha  Idale News Online ee Gobolllada Jubbooyinka  ayaa soo sheegaya in doorashadu ay u dhacayso qaab qarsoodi ah, ayna hoolka wax lagu dooranayo yaallaan sanaadiiq lagu soo dooran doono madaxweynaha cusub ee Maamulka.

Murashaxiinta u tartamaya xilkan oo kala ah; Axmed Maxamed Islaam, Hiloowle Aadan Maxamuud, Cismaan Xuseen Fayruus Iyo Maxamed Cismaan Yuusuf ayaa shalay khudbado ka jeediyay Baarlamaanka hortiisa, iyagoo mid walba uu xusay inuu wax ka qabanayo arrimo badan haddii la doorto.

Wixii kasoo kordha doorashadan waxaa kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here