Baydhabo(INO)- Sirkaal ka tirsan Maleeshiyada Al shabab ayaa waxaa oo is ku soo dhiibay maamulka Deegaanka Goofgaduud shabeelow ee Gobolka Bay.
Sirkaalkan ka tirsan Al shaabab ayaa Waxa uu gaabilsinaa Sameynta Walxaha Qarxa iyo aasida miinooyinka Sida ay sheegeen Maamulka Degaanka Goof Gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay.
Sirkaalkan isu soo dhiibey Maamulka Degaanka ayaa laga magacaawa Xuseen Salaad Mukhtaar isagoona ka soo baxay Degaanka Raamacadey Ee Gobolka Bay, waxaana uu sheegey in uu ka tanaasuley dhibaatooyin badan oo uu geeystey.
Sirkaalkan ayaa waxa uu howlo qaraxyo ah oo ka duwan ka fuliyey meelo badan dalka soomaaliya ka tirsan sida Gobolka Beri Ee Maamulka Puntland iyo Degaanka Awdiinle Ee Gobolka Bay, Sida uu sheegey Maamulka Degaanka.
Xuseen Wardheere Xasan Gudoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay ayaa ka warbixiyey qaab isu soo dhiibey sirkaalkan.
Dhinca kala gudoomiyaha ayaa waxaa oo sheegan in ay jiraan kuwa xariir la soo sameeyey wallow uusan carab ka ku dhufan tirada lasoo xiriirtay .
Halkan Ka Dhageyso
Wariye Faysal Xuseen DHAAYOW