Buurhakaba ( INO)-Gaari Rakaab ah ayaa maanta waxaa lagu rasaaseeyay Nawaaxiga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Wararka ayaa sheegaya in Gaarigaan oo nuuciisu yahay Homey kaas oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa waxaa lagu rasaaseeyay halka loo Yaqaan Jiiro Kuulow oo u dhow degmadaasi Buurhakaba.
Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay oo la socday Gaariga la rasaaseeyay kuwaas oo labaduba ahaa Haween.
Lama oga sababaha loo rasaaseeyay cidda ka dambeysay hayeeshee Gaadiidleyda Isticmaala wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa si weyn uga cawda Isbaarooyin yaalla wadadaasi.