Deg deg:Deegaanka Fiidow oo Ciidamo huwan ah la wareegay

0
245

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo isugu jira Burundi iyo Jabuutiyaan oo ay wehliyaan ciidan ka tirsan Xoogga dalka ayaa la wareegay deegaano u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Burundi ayaa ka kala yimid labo jiho oo kala ah degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay.

Ciidamadan huwanta ayaa deegaanada ay la wareegaan waxaa ka mid ah deegaanka Fiidow oo ku taal Xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana magaalada Jowhar u jirtaa illaa 50KM.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen deegaanada Dhiin Garas, Fiidow, Maquudaale, Killiga Shiinaha iyo tuulooyin kale.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan intii ay howlgalka ku guda jireen la kulmeen qaraxyo miino oo wadada lagu aasay.

Howlgalkan ayaa qorshihiisa yahay sidii la isugu furi lahaa wadada isku xirta Jowhar iyo Buulo Burde.

Deegaanka Fiidow ayaa sanadkii 2014 ay la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka, hase ahaatee waxay isaga soo baxeen dhamaadkii sanadkii 2015, waxaana xilligaas la wareegay Al-Shabaab.