DEG DEG:Dagaal Hada Ka Soconaya Nawaaxiga Sarta Burcad Badeeda Ee Degmada Marka

0
233

Marka(INO)-Dagaal Xoogan Ayaa haatan ka soconaya Gudaha Magaalada Marka ee Xarunta Sh/hoose.

breakingIdaleNews

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Dowladda Koofur galbeed Somaaliya ee dhawaan Dharka Cagaaran loogu qeybiyayay deegaano kamid ah Sh/hoose iyo maleeshiyo  u abaabulan qaab beeleed.

Rasaasta ayaa Magaalada guud ahaan haatan laga maqlayaa waxaana ay bilaabtay kadib markii Maleeshiyo beeleed ay isku dayeen galinkii dambe ee shalay in ay xoog ku maraan kontaroolka laga galo Magaalada, kaasi oo lagu magacaabo (WAA CUNAA WAA CABAA) Halkaasi oo Ciidamada Koofur galbeed ee degmada Marka ay dib uga celiyeen Waxaana jiray tiro Maleeshiyo ah oo kontoroolka si qasab ah ujaray gudahana ugalay Marka.

Maleeshiyadaasi ayaa marki ay marka galeen waxa ay toogteen qof shacab ah oo reer Marka taana ay keentay in dagaal uu dhex maro ciidamada Koofur galbeed ee Marka jooga iyo Maleeshiyadan Marka gashay.

Rasaasta ayaa ka socota nawaaxiga loo yaqaano Sarta Burcad badeeda.

Wixi war ah la soco insh.alh

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here