DEG DEG:Ciidamo Ajaaniib ah oo Weerar Xoogan ku qaaday Al Shabaab

0
365

Kismaayo (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal oo loo maleenayo in laga leeyahay Dalka Mareykanka ay Xalay Duqeymo xoogan la dhaceen Degaano Duleed ka ah Kismaayo oo ay ku suagn yihiin Xarakada Al Shabaab.

Ciidamadan sida gaarka u tababaran ee Ajnabiga ah ayaa lagu soo waramayaa in Weerar ay ku qadaeen Degaanada Farwaamo iyo Buulo-Gaduud oo qiyaas ahaan 30Km dhanka Waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.

Degaanadan la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Xarakada Al Shabaab balse wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay halkaasi isaga baxeen kadib markii Dagaal Xoogan ay halkaasi kula galeen Ciidamadan Weerarka fuliyay.

Wararaka ayaa sheegaya in Weerarkaasi lagu Dilay 4 Dagaal yahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, waxaana sidoo kale Weerarkaasi lagu qabsaday Gaari nuuca loo yaqaano Noha.

Dhinaca kale, Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM oo ka baxay Magaalada Kismaayo ayaa la wareegay Degaanka Farwaamo ee Duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya ayaa Saaka wada howlgallo ballaaran maadaama halkaasi Xalay ay ku Dagaalameen Ciidamo loo maleynayo in ay soo jeedaan Mareykanka iyo Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab.

Xaalada ayaa Saaka deggan, inkastoo Dadka Degaanka ay ka cabsi qabaan in Dagaal yahanada Al Shabaab ay soo qaadaan Weerar rogaal celi ah.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo kuwa Mareykanka oo iskaashanaya ayaa bilihii ugu dambeeyay waxey Duqeymo iyo weeraro xoogan ka geysanayeen Degaano ka tirsan Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho