Afgooye ( INO)-War iminka naga soo gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Cadaan ah ay weerareen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qof deegaanka ah oo Idale News Online qadka Telfoonka kula soo xiriiray ayaa sheegay in deegaanka Ciidamo aad u hubeysan oo diyaarado ka soo daatay ay soo gaareen kuwaas oo dagaal fool ka fool ah uu dhexmarayo iyaga iyo Al Shabaab.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamo Ajnabi ah ayaa indhawaanahaan si isdaba joog ah waxa ay weeraro kala duwan uga geysanayeen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan goobo ay maamulaan Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadaan ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro kala duwan ka fuliyay deegaanada Tooratoorow, Sabiib, Caanoole iyo Furuqleey oo dhammaan dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose ayna ka arrimiyaan Ururka Al Shabaab.
Weeraradaas ayaa Saraakiisha dowladda Federaalka oo ka hadlay waxa ay ka sheegteen guulo la taaban karo halka dhinacooda Al Shabaab ay sheegeen in ay gaashaanka isaga dhigeen ayna ku qasbeen in dib Ciidamadaasi ay u gurtaan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha weerarkaas lagu qaaday deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye halkaan IdaleNews.com
Idale News Online, Afgooy