DEG DEG:Ciidamada Itoobiya Oo Ku Dhawaad 20 Qof Ku Dilay Gobolka Bay

0
437

Awdiinle(INO)- Wararka ka imaanaya deegaanka Wardiinle ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay dileen dad shacab ah oo isugu jira carruur, Haween iyo dad da ah.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u xaqiijiyey Idale News in ay dhinteen 19 qof, oo 10 ka mid ah ay carruur yihiin, waxaana dhaawacmay 8 kale.

“Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay gudaha deegaanka gur guri ayeey galeen, waxay mid mid u toogteen dadkii shacabka ahaa, dadka dhaawacmay waxaan usoo qaadnay magaalada Baydhabo” sidaasi waxaa Idale News u sheegay mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Wardiinle.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaankaan lagu laayey dadkaan shacabka ah, lamana sheegin ulajeed arrintaasi ka dambeysay.

Ugu dambeyntii, Koonfur Galbeed iyo kan gobolka Bay weli kama aanay hadal falkaan lagu laayey dadka shacabka ah, balse ciidanka Itoobiya dhowr jeer waxay sidaan oo kale u dileen shacab badan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.