Wararka laga helaayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay galabta ku dhaqaaqeen wadada aadda Degmada Sablaale ee ka baxda Degmada Baraawe.
Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay qorsheyanayaan inay si buuxdo Al Shabaab kaga saaraan Degmada Sablaale, iyadoo ay xusid mudan tahay in maanta ay la wareegeen Degmada Baraawe.
C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in saacadaha soo socdo ay la wareegi doonaan gacan ku haynta Degmada Sablaale.
Al Shabaab, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wado Degmada Sablaale, oo ah midda kaliya ay ka joogto Gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmada Sablaale, ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid ah Ciidamadii Ururka Al Shabaab, ee maalin ka hor isaga baxay Degmada Baraawe, oo la rumeysan yahay inay muhiim u ahayd Al Shabaab.
Idale News Online, Sablaale.