DEG DEG:Ciidamada DFS Oo Isaga Baxay Magaalada Marka Ee G/Sh/Hoose

0
612

Marka ( INO)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan xaalad kacsanaan ah halkaas ay ka jirto kadib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay baneeyeen fariisimo ay ku leeyihiin Marka , iyadoo aan la ogeyn u jeedka arrintaas ka dambeysa.

Dadka ku nool Magaalada Marka ayaa waxa ay billaabeen in ay Xiraan Goobahooda Ganacsi iyagoo ka cabsi qabo boob iyo bililiqo lagula dhaqaaqo xarumahooda Ganacsi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamo Maleeshiyaad ah ay gudaha Magaalada Marka ka ridayaan Rasaas teel teel ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idale News Online u sheegay in xaaladaan ay timid kadib markii ay Ciidamadu ka ruuqaansadeen Fariimaha ay ku leeyihiin Magaalada Marka isagoo intaas ku daray in ay jiraan baqdin ay dadku ka qabaan in dhac loo geysto goobahooda ganacsi.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda isaga baxay Marka ayaa horay waxaa halkaas loo geeyay sidii ay u kala dhex gali lahaayeen Maleeshiyo beeleedyo horay halkaas ugu wada diririyay kuwaas oo weli aan xal rasmi ah laga gaarin xiisadaha u dhexeeya.

Idale News Online, Marka