DEG DEG:Barlamaanka Soomaaliya Oo Kalsoonidii Kala Noqday Dhismaha Baarlamaanka Jubba

0
221

Muqdisho (INO) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida u qaaday qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba, kaasi oo maalmahaan mooshin ka yaalay Baarlamaanka dhexdiisa.

breakingIdaleNews

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka maanta ay soo xaadireen kulankooda caadiga ah.

Wuxuu sheegay in 142 xildhibaan ay goobjoog ahaayeen kulanka maanta loogu codeynayay qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba, kaasi oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in codka gacantaaga marka la gaaray 132 xildhibaan ay ogolaadeen mooshinka dhigaya in qalad yahay qaabka baarlamaanka Jubba loo dhisay.

Afar xildhibaan ayaa aamustay mooshinka halka lix kale ay diideen, sidaasi ayaana ku xigeenka baarlamaanka wuxuu ku dhawaaqay natiijada rasmiga ee ah in mooshinka ansax uu yahay.

Waxaa taasi micnaheeda uu yahay in baarlamaanka Jubba uu yahay mid sharci daro ku dhisan dibna loosoo dhisayo, Lamana Hubo inuu Aqbali doono maamulka Jubaland.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here