DEG DEG+Aqriso: Odayaasha Dhaqanka KGS Oo Si Toos Ah Uga Horyimid Go’aankii GXKH ee Lagu Laalayay Xildhibaannada

0
202

Baydhabo(INO)- Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Oo Goordhow soo saarey Warmurtiyeed  ayaa ku gacanseyray go’aankii guddiga xalinta khliaafaadka doorashada dadban ku baabi’iyeen natiijada doorasho 5  kursi oo ka mid ah xildhibaannada la soo doortay oo ay ku eedeeyeen in aysan ku iman sifo sharci ah.

Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa War Murtiyeedkoodu ku  sheegay in tallaabadan noqon karta mid shaki badan abuurta, madaama sidda ay hadalka u dhigeen kuraasta leys hortaag yihiin kuwo dhamaantood waafaqsan sharciga doorashada.

Ugu danbeyntii, dad badan ayaa is weydiinaya sidda guddiga doorashada dadban ee heer federaal u meel marin doonaan go’aanka ka baxay, mar haddii ay arintaa ka soo horjeesteen dowlad gobolleedyada dalka oo saameyn ku leh marka la eego geedi socodka doorashada,  gaar ahaan waxaa jira shaki badan oo laga qabo ilaa xad madaxbanaannida guddiyadan doorashada ku shaqada leh.

Halkan Ka Aqriso War Murtiyeedka Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

 

WARSAXAFADEED-GOLAHA-ODAYAASHA-DHAQANKA-KG