Muqdisho(INO)- Khudbadaha murashaxiinta guddoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ayaa berri subax lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta golaha shacabka.
Murashaxiinta guddoonka waxaa la siiyay waqti isku mid ah, waxaana la filayaa in uu mid walba taariikhda iyo qorshihiisa siyaasadeed uu ka gado golaha shacabka federaalka ah ee Soomaaliya.
Shabakada IdaleNews ayaa heshay Jadwalka iyo Ajendaha Kullanka:
9:20-:9:25: Akhrinta Aayadaha Quraan-ka Kareemka Ah
9:25-9:30: Ansixinta Ajendaha Kullanka
9:30-9:35: Sharaxaadda Qaabka Khudbad Jeedinta( Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle)
Hadaljeedinta Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka
9:35-9:50: Waxaa Khudbadda Jeedin doona murashaxa 1aad: Cabdifitaax Maxamed Ibrahim Geesey
9:50-10:05: Waxaan khudbeyn doona Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig
10:05:10:20: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Idirs Cabdi Takar
10:20-10:35: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari
Hadaljeedinta Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad
10:35-10:50: Waxaa khudbeyn doona: Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey
10:50-11:05: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir
11:05-11:20: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar
11:20-:11:35: Waxaa khudbeyn doonta Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye
11:35-11:50: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir
11:50-12:05: Waxaa khudbeyn doona Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid
Wararka Doorashada iyo Taariikh Nololeedka Murashaxiinta u Tartamaya Guddoonka baarlamaanka federaalka ah, Kala Soco, Idale News Online,