DEG DEG:Al Shabaab oo lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose

0
360

Afgooye ( INO)-Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaanka Bariire  ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Dhaq dhaqaaqa Al Shaabaab ay halakaas isaga baxeen ayna si buuxda ula wareegeen Ciidamada dowladda Federalaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goob Joogayal ayaa xaqiijiyay in dagaal Saacado kooban socday kadib Al Shabaab ay faarujiyeen deegaankaasi Bariire oo saaka howlgal xoogan ay Ciidamada huwantu ku qaadeen.

Markii Al Shabaab ay ka baxeen deegaanka Bariire ayaa waxaa Qaraxyo waaweyn laga maqlay qeybo ka mid ah deegaankaasi sida Saldhiga deegaankaasi, waa sida  ay soo wariyeen dadka deegaanka.

Lama oga dagaalka iyo Qaraxyadii ka dambeeyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay , iyadoona durba Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay billaabeen in ay Saldhigyo ka sameystaan gudaha deegaankaasi.

Weerarada ka dhanka ah Al Shabaab ayaa maalmihii la soo dhafay si  aad ah ugu sii kordhayay gudaha Gobolkaas Shabeelaha Hoose.

Idale News Online, Afgooye