DEG DEG:Al shabaab oo Dagaal kula wareegay Awdheegle & Mubaarak

0
416

Awdheegle (INO) –– Kooxda Al shabaab ayaa Dagaal kula wareegtay Degmooyinka Awdheegle & Mubaarak, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 Maleeshiyaad hubaysan oo kasoo duulay Deegaanka Toora Toorow ayaa Dhowr Jiho ka weeraray Degaanka Awdheegle, oo Dagaal Culus kula galeen Ciidanka Dowladda ee halkaasi joogay, waxaana u suurta gashay inay kala wareegaan.

Sidoo kale, Kooxda Al shabaab ayaa Weerar ku qaaday Deegaanka Mubaarak, oo aan ka fogeyn Awdheegle kaasi oo isna kala wareegeen Ciidanka DFS. Waa Markii 2-aad oo Al shabaab la wareegaan Deeganadaasi Mudo Hal Todobaad ah.

Ciidanka DFS ayaa u cararey dhanka Deegaanka Janaale & Degmada Afgooye, waxaana ay sheegeen inay dib usoo weerari doonaan Deegaanadaasi.

Idale News  Online – Xafiiska Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here