DEG DEG: Yoweri Museveni oo ku guuleystay doorashada Madaxtinimada Uganda

0
213

Kampla(INO)— Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa goor dhow ku dhowaaqay in Yoweri Museveni uu ku guuleystay markii shanaad doorashada Madaxweynaha dalkaas, kadib doorasho labadii maalmood ee la soo dhaafay socda.

Mr Museveni ayaa ku guuleystay codod ku dhow lix milyan oo u dhiganta 60.75%, waxaana ninka sida aadka ah ula loolamayay ee ugu weyn mucaaradka Kizza Besigye uu isna ku xigay uu helay 35% cododkii la tiriray.

Madaxweyne Museveni ayaa xilka sii heyn doona mudada shanta sano ee soo socota, isagoo muddo 30-sano dalka xukumayay.

Kormeerayaasha ka socday Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyay qaabka ay u dhacday doorashada, waxaana ay ku tilmaameen in xisbiga dalka ka taliya uu abuuray jawi cabsi leh.

Xubnaha Mucaaradka ayaa qaadacay natiijada doorashada, waxaana ay tilmaameen inay dhacday qaab is daba marin ah.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kizza Besigye ayaa lagu soo rogay xabsi guri, iyadoo todobaadkan gudihiis la xiray saddex jeer.

Xaalada ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa ciidamo la dhigay wadooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Idale News Online, Kampla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here