Muqdisho(INO)- Xildhibaan Cabdweli Sheekh Muudey ayaa ku guuleystey doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka kadib markii uu wareegii labaad ee tartanka doorashada uu helay codad gaaraya xx halka musharixii la tartamayay Faarax Shiikh Cabdiqaadir uu helay codad gaaraya 94 cod halka uu 1 cod uu xumaaday.
Wareegii hore ee doorashada ayuu xildhibaan helay codad gaaraya 111 cod, waana markii labaad ee uu noqdo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 2010-2012 ayuu noqday guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka.
Tartanka doorashada guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku tartamay lix musharax iyadoo afartii musharax ee ugu horeysay ay labo kamid ah ay ka tanaasuleen inay tartamaan wareega labaad.
Taariiq Nololeedka Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey
Cabdiweli Muudey waxaa uu qoryooley ku dhashay 1964-tii, Waxaa uu ka qalin jabiyay Machadka SIMAD 1988-dii, shaqadiisa waxaa ugu muhiimsanaa 2004-tii waxaa uu ka mid noqdey Xildhibaannada dowladdii KMG aheyd, 2010-2012 waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka 2012-kii Xildhibaan ayuu mar kale noqdey, waxaa kaloo uu qabtey wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha