DEG DEG: Xasan Xaaji Cali Oo Ku Guuleystey Kursiga Aqalka Hoose Ee Beesha Yantaar

0
188

Baydhabo(INO)- Waxaa Maalintii seddexaad ka Socoda Magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Xasan Xaaji Cali uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Yantaar oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Xasan ayaa haley 35 cod isagoona ka adkaadey C/laahI Ducaale.

Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur-galbeed oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.