Kenya(INO)-Ku dhawaad 36 ruux ayaa lagu dilay weerar cusub oo saaka ka dhacay duleedka degmada Mandheere ee waqooyi bari dalka Kenya, sida saraakiil deegaanka ay xaqiijiyeen goordhow.
Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay dadkan waabirigii hore maanta oo Tallaado ah, kadib markii ay u kala saaraan muslimiin iyo khariistaan, sida ilo laamaha amaanka ka tirsan.
Dadka dhintay ayaa waxay ahaayeen dad macdan qodoyaal ah kuwaasi oo ku sugnaa god ku yaala duleedka degmada Mandheere ee dalka Kenya.
Ciidamo badan oo ka tirsan meletariga Kenya iyo hayada laanqeyrta cas ayaa gaaray goobta weerarka uu ka dhacay, deegaanka falka ka dhacay ayaa ku dhawaad 5 Km u jira xuduuda ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
“Waxaa naloo sheegay in dadka badan ee ka shaqeynayay godka aysan ka imaan Soomaaliya, laakiin waqti xaadirkaan ma cadeyn karno dadka dilka ka dambeeyay”sidaasi waxaa tiri wariye ka tirsan Al-jazeera oo ku sugan magaalada Nairobi.
“Tani waxay kusoo aaday iyadoo la adkeeyay amaanka Mandheera, sabab la xiriirta weeraradii ugu dambeeyay”intaasi ayay kusii dartay wariyaha ku sugan magaalada Nairobi.
Deegaanka ayaa ku dhow goobtii lagu dilay ku dhawaad 30 ruux kuwaasi oo lagala dagay gaari ay la socdeen oo kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Idale News Online