Baydhabo ( INO)-Wasiirkii Dalxiiska iyo Duur Joogta Dowlada Koofur Galbeed Cumar Dheere oo la soo xariiray Warbaahinta ayaa sheegay in uu iska Casilay xilkiisa.
Cumar Dheere ayaa ku micneeyay iscasilaadiisa in Wasiirada Dowlada KGS aysan kuwa u Madax banaan howshooda balse talada oo dhan uu kor ka heysto Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wasiirka is casilay ayaa ka mid ahaa Wasiirada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya oo Xilkooda loo dhaariyay Bishii January ee aan ka soo gudubnay.
Dowlada Koofur Galbeed ayaa lagu eedeeyaa in howlihiisa ay yihiin kuwa gaabis ah marka loo eego dhaq dhaqaaqyo fiican oo la taaban karo maadaama aysan ka jirin deegaanadiisa.
Idale News Onlin,Baydhabo