Muqdisho(INO)— Waxaa dib u dhac ku yimid War Murtiyeedkii gelinka dambe ee maanta laga soo saari lahaa Shirka Madasha Wada-tashiga qaran ee Hoggaamiyeyaasha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho.
Shirkan oo galay maalintii labaad ayaa qorshuhu ahaa in maanta la soo saaro war murtiyeed ku saabsan qaabka loo fulinayo doorashooyinka dalka ka dhacaya Agosto iyo matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka sare.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxda ay isku afgarteen in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare, hase ahaatee waxaa la isku hayaa tirada uu helayo iyo meelaha ay ka kala imaanayaan.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo horay u diidanaa in Gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare ayaa hada aqbalay, hase ahaatee waxaa ay shuruud ku xirayaan in xubnaha la siinayo ay iyaga ku lahaadaan xubin, maadaama ay tahay in lagu qeybsado 4.5
Sidoo waxaa wali la isku afgaran tirada rasmi ahaan u helayo Aqalka sare iyo in xubnaha Maamul goboleedyada ee tiro dheeraadka la siiyay in laga soo jaro.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gobolka Banaadir loo qoondeeyay in la siiyo lix xubin, balse waxaa kala cadeyn in lixdaas xubin ay tahay mid dheeraad ah oo lagu darayo 54 kuraas ee horay loo caddeeyay iyo in saddexdii kursi ee dheeraadka la siiyay Puntland iyo Somaliland la siiyo.
Aqalka sare ayaa horay loo qorsheeyay inuu ka koobnaado 54 xubin, oo ka kala imaanaya min 11 kuraas oo ka imaanaya Puntland iyo Somaliland, halka min 8 Xubin ay helayaan, Maamulada Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo dhismahooda uu wali socdo.
Madaxda Madasha wada tashiga Qaran oo caawa shir uga socdo Xarunta Madaxtooyada ayaa laga yaabaa inuu gaaro illaa saq dhexe, maadaama Madaxdu aysan wali isla meel dhigin Tirada rasmiga ah uu Aqalka sare ka helayo Gobolka Banaadir.
Maalinta berri oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha Wada-tashiga Qaran, isla markaana laga soo saaro War murtiyeed qodobo dhowr ah ka kooban.
By C/casiis Golf
Idale News Online, Muqdisho