DEG DEG: Wadooyinka muhiimka Magaalada Muqdisho oo saaka xiran

0
164

Muqdisho(INO)- Waxaa saaka xiran wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka Magaalada ay ku soo tooseen xirnaanshaha wadooyinka.

Ciidamada ammaanka oo garwaaxsan qoryaha Ak47 ayaa lagu arkayaa laga bilaabo Isgoyska Sayidka, illaa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Inta u dhaxeysa Sayidka illaa Banaadir lama ogala gaadiidka rayidka inay maraan, waxaana loo ogol yahay kaliya inay maraan gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa ay wataan masuuliyiinta dowladda Somaliya.

Sidoo kale Isgoysyada waxaa ku jaran oo yaalla gaadiidka loo yaqaan Cabdi Billaha ciidanka oo dusha ay ka saaran yihiin Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa ee wadooyinka xiray.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray wadooyinka muhiimka u ah shacabka, waxaa sidoo kale xiran wadada Via Liberia ee Degmada Waaberi dhex marta illaa Isgoyska Umbulutooriyo Degmada Xamar jajab.

Wararka qaar ayaa sheegaya sababta loo xiray wadada inay tahay in Magaalada Muqdisho uu maanta imaanaayo Gudoomiyaha Midowga Afrika ee dhawaan la doortay.