DEG DEG: Ugaas C/wahaab Ugaas Xuseen Oo Ku Guuleystey Mid Ka Mid Ah 2 Kursi Ee Beesha Ogaaden Ee KGS

0
223

Baydhabo(INO)- Waxaa Goordhow Ugaas Cabdi wahaab Ugaas Xuseen uu Ku guuleystey mid ka mid ah labada Kursi ee Beesha ogaadeen oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Xildhibaanada Aqalka hoose ku soo baxay  Prof. Maxamed Sheekh Cismaan jawaari, Xildhibaanad Fowziyo Sheekh Maxamed iyo Ibraahim Isaaq Yarow oo musharaxii la tartamayay oo aheyd haweeney ay tanaasushay.

Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur-galbeed oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.