DEG DEG: Trump oo ku horreeya ilaa iyo iminka doorashada iyo jariiradda New York Times oo aaminsan in uu guuleysanayo

0
203

MN(INO)- Ilaa iyo iminka waxaa ku horreeya codadka doorashada dalka Mareykanka musharrax Donald Trump oo isagu haysta boqolkiiba 59% codadka gobolada la tiriyay cododkooda.

Musharraxadda la loolameysa ee xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton ayaa iyadu haysta codadka boqolkiiba 41%, walina waxaa dhimman gobollo badan oo aan wali la soo gudnin natiijada codadkooda.

Jariiradda caanka ah ee New York Times ayaa iyadu aaminsan uu kuu doorashadani ku guuleysanayo musharrax Donald Trumo islamarkaana ay Hillaru raaci doonto saaxiibkeed Obama.

Waxaa xooraansi ay sameysay jariiraddu ugu soo baxday in boqolkiiba 80% ay u badan tahay in uu doorashada kusoo boxo musharrax Trump

Si kastaba Mareykanka oo ay xilligan u tahay habeen ayaa wali waxaa socda tirinta codadka, waxaana natiijada rasmiga ah ay soo shaac bixi doontaa saacadi kaddib.

Taageerayaasha labada dhinac ayaa afka gacanta ku haya, mana jiraan wali cid muujineysa dabaal-dag horushac ah, walow laga soo sheegayo taageerayaasha Hillary in uu durba wel-wel lasoo darisay.

TOOS ULA SOCO DOORASHADA MAREYKANKA

Kala soco IdaleNews  dhaq-dhaqaaqa doorashada US