Muqdisho(INO)—Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxtooyada dhexdeeda lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay taliye Qoorgaab, waxaana la ogeyn ujeedada dilkiisa ka dambeysay.
Saraakiisha madaxtooyada qaar ayaa xaqiijiyay in dilka Taliyaha uu ka dambeeyay mid kamid ah ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayo dilka ka dhex dhacay madaxtooyada Soomaaliya.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.