Warar gowr dhow naga soo gaaray dhanka Villa Somalia, ayaa sheegaya in Socdaal uu Madaxweyne Xassan ku gaari lahaa Degmada Jowhar uu baaqday.
Daa’uud Xaaji Ciiro oo ah Afhayeenka Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa waxa uu gowr dhow Warbaahinta u xaqiijiyay in safar Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagilahaa Degmada Jowhar uu ku imaaday dib udhacay, sababo la xiriira dhanka Ammaanka Awgii.
Daa’uud Xaaji Ciiro, waxa uu daboolka ka qaaday in Subaxnimadii Saakay lagu soo wargeliyay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayay baaqdeen safarkii ay Jowhar ku tagi lahaa.
Xalay ayaa Degmada Jowhar waxaa gaaray gaadiid gaashaaman iyo qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya oo ammaanka halka uu tagi lahaa Madaxweynaha sii adkeynaye xalay iyadoo ammaanka Degmada Jowhar si weyn loo adkeeyay.
Dib u dhaca Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxa uu kusoo beegmaya Xilli Habbeenimadii xalay gudaha Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh.dhexe ay ka dhaceen weeraro loo adeegsaday Banbo gacmeed uu halkaasi ka dhacay, taasoo loo badinaayo inuu hakiyay Socdaalkii Madaxweynaha iyo Wafdigiisa halkaasi ku gaari lahaayen.
Idale News Muqdisho