Baydhabo(INO)- Waxaa Maalintii seddexaad ka Socoda Magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Sheekh Shaacir Sheekh Maxmed uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Macalinweyne oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Isagoona heley 48 cod halka xalima mohamed Cabdi ay heshey 0, 5 cod kale way halaabeen.
Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.