DEG DEG +Sawiro:Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo Lagu Soo Dhoweyay

0
1129

Baydhabp(INO)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna May, Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Bay, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Amaanka  MagaaladaBaydhabo  Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana iska kaashaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Ethioipa,waxaana loo galbiyay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa waxa uu magaalada Baydhab kula kulmi doona Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Gollaha odoyaasha dhaqanka, iyadoona soomaaliya la faliyo inay doorasho ka dhacdo Augest 2016.

Mas’uuliyiinta Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay tagaan Baydhabo maanta illaa berri, si ay maalinta Isniinta uga qeyb galaan shirka Madasha oo si rasmi ah u furmi doona.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar caafimaad ugu maqan dalka Jarmalka ayaa isna lagu wadaa inuu maanta dalka dib ugu soo laabto.

Qaban qaabo xoogan oo ku aadan shirka Madasha wada-tashiga qaran ayaa ka socda magaalada Baydhabo, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay ee Baydhabo lagu qabto shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

Halkan Daawo Sawiradda

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay