DEG DEG: Sandheere Mad Aftiin Oo Ku Guuleystey Kursiga Aqalka Hoose Ee Beesha Hubeer

0
215

Baydhabo(INO)- Waxaa Maalintii labaad ka Socoda Magaalada Baydhabo doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Sandheere Mada Aftiin uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Hubeer oo yaala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

sandheeere Mad aftiin ayaa ka adkaadey  Xildhibaan Samaan Maxamed Daahir  iyo Axmed Sheekh Siidow, isagoona Heley 26 Cod.

  • Sandheere mad Aftiin 26 Cod
  • Ina Xaaji Eelaay 20 cod
  • Axmed Sh. siidow 1 cod
  • Samaan Maxamed Dahir 4 cod

Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 69-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan Koonfur-galbeed oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.