DEG DEG: RW la magacaabay Kheyre oo iska casilay howshii uu ka hayay Shirkadda Soma Oil

0
180

Muqdisho(INO)Xasan Cali Kheyre ayaa ahaa Madaxii shirkadan ee geeska Afrika waxana uu ka mid ahaa saamileyda shirkada iyadoo la sheegay inuu ku darsaday xisaab dhan 2malyan oo dollar.

Shirkada Soma Oil and Gas ayaa xaqiijisay in uu iska casilay howshii uu ka hayay shirkada waxana ay aad ugu amaaneen howlihii uu ka soo qabtay shirkada tan iyo markii uu ka mid noqday sanadkii 2013 oo ahayd waqtigii la aasaasay shirkadda.

Kheyre ayaa is casilaadan gudbiyay iyadoo uusan weli ansixin baarlamaanka Federalka waxaana wararka ay sheegayaan in xisaabta uu ku leeyahay shirkada Soma Gas dib loogu celinayo Ra’iisal wasaare Kheyre maadaama uu iska casilay xilka isla markaana galay howlaha siyaasada.

Shirkada Soma Oil ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq balse markii dambe ayaa eedeyntan lagu waayay shirkadda. Xasan Cali Kheyre ayaa eeda loo soo jeediyay shirkada qeyb weyn ku lahaa waxaana warbixin la daabacay lagu sheegay inuu xiriir la lahaa ururka Alshabaab.

Madaxa shirkada Soma and Oil Lord Michael Howard ayaa u hambalyeeyay ra’iisal wasaaraha la magacaabay waxana uu u rajeeyay inuu horumar gaarsiiyo dalka Soomaaliyeed.