DEG DEG: Qarax Xooggan oo ka dhacay Muqdisho

0
178

Muqdisho(INO)-Qarax aad u xoogan ayaa saaka waxa uu ka dhacay  mid ka mid ah Hoteellada Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari Walxaha Qaraxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Hoteel Dayax  oo ay degan yihiin Xubno ka tirsan Labada Aqal ee Hoose iyo Sare isugu jira.

Ilo wareedyo qaar ayaa ku soo warramaya in Rasaas laga Maqlayo Gudaha Hoteelka Dayax ee weerarka uu ka dhacay.

Xaaladda ayaa kacsan waxaana la tilmaamayaa in Qaraxa lagu soo beegay xilli maanta uu kulan ku qabsoomi rabay Hoteelkaas gudihiisa.

Faah Faahinta La Soco