DEG DEG: Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay agagaarka Dekeda Muqdisho

0
234

Muqdisho(INO)— Qarax xoogan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka ka dhacay agagaarka Dekeda magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegayaa inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli dadka isku diyaarinayeen shaqada Dekada, isla markaana uu bilowday dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ku yaala hareeraha Dekeda.

Wararka ayaa sheegaya in halka qaraxa ka dhacay ay aheyd xarun boolis oo lagu qaado canshuuraha berriga oo ka soo hor-jeeda Dekeda Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa wada daabulida dadka waxyeelada kala duwan ka soo gaartay qaraxa saaka ka dhacay agagaarka Dekeda magaalada Muqdisho.

La soco waxii kusoo kordha qaraxa ka dhacay Dekeda Muqdisho.