Muqdisho(INO)— Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Xarunta Taraafikada ee degmada Shingaani, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.
Uuro iyo qiic ayaa laga arkayay meelo fog fog, waxaana si rasmi ah loo ogeyn in rag hubeysan ay gudaha u galeen iyo in kale.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhiftay afaafka hore ee xarunta.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa ismiidaamin, isagoo xusay in ciidamada ay toogteen qof hubeysnaa oo qaraxa kadib doonayay in gudaha xarunta uu galo.
Ugu yaraan saddex ka tirsan Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee Taraafiko ayaa ku dhintay qaraxa.
Xarunta Taraafikada ayaa ku dhow Isbitaalka iyo Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Idale News Online,Muqdisho