Baydhabo(INO)-Wararka Caawa Ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegyaan in fiidnimadan Magaaladaasi uu Ka dhacey Qarax dhaliyey dhimaasho Iyo dhaawac.
Qarax ayaa ka dhacey Agagaarka Carwo Bay Star Ee Bartamaha Magaalada Baydhabo ,isla markaana waxa la sheegey in inuu ahaa Bom gacmeed uu ka fakadey askari Ka tirsan Kuwo Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo xilligaa ay ku sugnaayeen Goobtaasi.
Inta la ogyaay 6 ruux ayaa Geerootey, ku dhawaad 22 ruux ayaa ku dhaawactmey qaraaxsi, sida dad Goob joogiyaal ah Ay u sheegeen Warbaahinta Idale News Online isla markaana, waxa isla durba goob Soo gaarey ciidamo isugu jira Boolis,iyo nabad sugida Gobolka Bay, kuwaasoo Halkaasi ka bilowdey Hawlo adag.
Ugu dambeyntii amniga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa aad loo adkeeyey bishan Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana Xoogaga Al-shabaab ee Soomaaliya waxay kordhiyeen weerarada ay ku qaadeyaan Fadhiismaha Ciidamda AMISOM iyo kuwo dowladda Soomaaliya ay leeyihiin Goboladda Dalka Soomaaliya.
Warkan Wixii Ka Soo Kordho kala Soco wararkeeyaga Dmabe
Idale News Online, Baydhabo