DEG DEG: Qarax Ciidamada Jubbaland lagula eegtay Duleedka Kismaayo

0
200

Kismaayo ( INO)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku warraamyaan in Deegaan Qiyaastii 60 Km Galbeed kaga beegan  Magaaladaasi oo lagu Magacaabo Cabdalle Biroole uu ka dhacay Qarax Miino.

Qaraxaasi ayaa lala eegtay  Gaari nuuciisa la sheegay in uu ahaa Cabdi Bile oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland.

Gaariga lala Bartilmaamsaday Qaraxa ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 20 Askari oo Ciidamada Jubbaland ka tirsan.

Walow aan la cayimi Karin Tirada Rasmiga ah ee Waxyeeladu ka soo gaartay Qaraxaasi hadana ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in Askartii la socday Gaarigaasi Khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh ay soo gaareen.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegta Masuuliyadda Qaraxyada Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM lagula eegto deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.