Garowe(INO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa la sheegay inay xukun dil toogasho ah ku xukuntay 43 qof oo ka mid ah Maaxaabiistii Alshabaab ee lagu qabtay dagaalladii Deegaanada Suuj iyo Garacad ee gobolada Nugaal iyo Mudug intii u dhexaysay 14-kii illaa 23-kii bishii Maarso ee sanadkaan oo Alshabaab ay duulaan xoog leh ku soo qaadeen Puntland balse looga awood roonaaday oo lagu jabiyey loogana qabtay 97 Maxaabiis ah.
Maanta oo sabti ah 18 June 2016, ayaa lagu wadaa in Maxkamaddu ay ku dhawaaqdo xukunka Maxaabiistaan, iyadoo Maxkamadayntoodu ay soo bilaabatay Maalintii Isniintii ee asbuucii hore, 43-daan dilka lagu xukumay ayaa ah kuwo da’doodu ay 18 sano ka wayn tahay oo qaan-gaar ah, halka kuwii aan qaan-gaarin aan wali la Maxkamadayn.
C/laahi Xirsi Cilmi Cali oo ah xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xukunka maxaabiista la shaacin doono maanta oo sabti ah, isagoo intaas ku daray in la siiyey bil racfaan ah, balse wuu ka gaabsaday inuu wax faah faahintaas dheer ka bixiyo,
Go’aanka Maxkamadda ayaa ah mid aad loo sugayey, iyadoo uu dhawaan Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sheegay inay toogan doonaan Maxaabiista Alshabaab-ka ah ee Xabsiyada Puntland ku jira.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay