Baydhabo(INO)- Waxaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka soconaya doorashada Wajaga 2aad Ee Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Gudoomiyaha Jaamacada Jubbada Sare Ee Baydhabo Prof.Idiris Cabdi Takhtar uu Ku guuleystey Kursiga Aqalka Hoose Ee Beesha Luwaay.
Mudane Prof. Idirs ayaa haley 26 cod isagoona ka adkaadey 5 musharax kale.
Waa siyaasi in mudo ah uu u soo halgamey Qadiyada Bulshada Koonfur Galbeed, isagoona ka mid ahaa Saraakiisha Jabhadii RRA Ee Soomaaliya, isla markaana waxa uu dhaq dhaqaaqa arimaha bini’aadanimada iyo waxbarashada.
Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.