Muqdisho(INO)- Dableey Hubeysan ayaa ka dhex dagaalamaya Xarunta Hoteelka Dayax Ee Magaalada Muqdisho oo abaare 8:40 Daqiiqo Subaxnimadii Arbacada Maanta Aheyd.
Hoteelka la weeraray ayaa waxa degganaa Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya,Saraakiil Ciidan,Qurba Joog iyo Murashaxiinta Qaarkood.
Rasaasta ayaa waxay tahay mid xoogan waxaana faah faahin badan laga heynin Khasaaraha inta uu la eg yahay maadaama jawiga uu yahay mid cakiran.
Ciidanka NISA ayaa gaaray goobta si ay uga saaraan Maleeshiyada ka dhex dagaalameysa gudaha Hoteelkaasi,Dad dhintay ayaa lagu arkayaa Laamiga Hoteelkaasi iyo dad dhaawac ah.
Hoteelka Dayax ayaa ku yaalla Waddo Mashquul badan waxaana uu udhaxeeyaa Isgoyska Dabka iyo Talada Sayidka waxaana ay tahay mid aad dadka iyo gaadiiska isticmaalkeeda ku badan yahay.