DEG DEG: Musharixiinta guddoonka baarlamaanka oo bilaabay khudbad jeedintooda

0
190

Muqdisho(INO)—Musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka baarlamaanka ayaa khudbado ka hor jeedinaya xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ay soo bandhigayaan waxqabadka ay la imaan doonaan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhageystay musharixiinta kala ah C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/fataax Ibraahim Geeseey oo labada doonaya inay qabtaan xilka guddoonka baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, guddoomiyihii baarlamaanka ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayo waxqabadkiisii muddada uu xilka hayay.

Inta ay socotay dhageysiga khudbadaha musharixiinta guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa hoolka dhexdiisa lagu dhaariyay xildhibaano cusub oo kamid noqonaya golaha shacabka Soomaaliyeed.