DEG DEG: Musharax Cali Maxamed Geedi Oo Ka Tanaasuley U Tartanka Jagada Madaxweyne

0
223

Muqdisho(INO)– Cali Maxamed Geedi oo ka mid ahaa Musharaxiintii u taagnaa xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay.

Ka dib Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in uu joojiyay hankiisii ahaa in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada.

Cali Maxamed Geedi ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa in uu ka tanaasul hankiisii ahaa in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan ah mid aad u adag , waxaana ku loomaya Musharaxiin ku dhow 30. Doorashada ayaa dhaceysa 8 Bisha soo socota.