Idalenews( baydhabo) war dag ah oo naga soo gaaraayo ayaa sheegaya in Al mansoor roobow ,Afhayeenka Madaxtooyada Koofur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta in Abuu Mansuur uu aqbalay inuu isku dhiibo dowladda, isla markaana loo qaaday degmada Xudur.
Wararka ayaa sheegaya in Abuu Mansuur keligiis oo aanay la socon ciidamadiisa isku dhiibay Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo lagu wado in degmada Xudur kula kulmo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed
Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa shalay kula kulmay Sheekh Roobow agagaarka deegaanka Abal, waxaana wada hadaladaas laga gaaray is faham waqti dheeer qaatay sida il wareedku ay noo shegeen
Dagaalo faraha loo gu gubtay sababayna dhimasho iyo dhaawac ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa Al-Shabaab iyo Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur uu ku dhex marayay si gos goos ah la na is ku adeegsanaaye hubxulus deegaanka Abal iyo agagaarkiisa, waxaana la sheegay inuu iska difaacay weerarkaas.
Waxii wararka ku soo kordho kala soco idalenews .com