Muqdisho ( INO)-Xildhibaan Faarax Sheekh Cismaan Cabdi oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya oo maanta warfidiyeenada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu uga dhawaaqay in uu iska casilay Xildhibaanimadiisii uu ka hayay Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Mudanahayaan ayaa daboolka ka qaaday in Iscasilaadiisa ay ka dambeysay kadib markii dadka uu matalo ay ku qanci waayeen saamiga ay ka heleen Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya.
“ waxaan u aragnaa Cadaalad darro dadkeygana waa ay kala laabteen kalsoonidooda maamulka koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayuu yiri Faarax Sheekh Cismaan.
Ugu dambeyntii, Iscasilaada Xildhibaankaan ka tirsanaa Dowlada Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmaya iyadoo muran uu maamulkaas kaga furan yahay degmooyin hoostaga Gobolka Bakool.
Idale News Online, Baydhabo