Muqdisho(INO) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa magacaabay Ra’iisul wasaarihiisa.
Madaxweynaha ayaa Ra’iisul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxaana madaxweyne Farmaajo uu shaqsigan u rajeeyey inuu Allah la garab galo xilka culus ee loo dhiibay.
Shalay ayeey ahayd markii magaalada Muqdisho lagu caleema saaray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo horey u ballanqaadey inuu soo dhisi doono dowlad wax badan ka qabata marxaladda dalka uu ku jiro.
Idale News Online, goor dhow kala soco faah faahinta Ra’iisul wasaaraha cusub iyo taariikhdiisa.