Muqdisho(INO)- Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Shirka Hogaamiyayaasha Madasha wadatashiga Qaran ee xalka looga gaarayo Doorashooyinka ka socda dalka.
Shirka oo laga soo saaray Qoraal hordhac ah ayaa waxaa xal looga gaaray Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Somalia.
Shirka Hogaamiyayaasha ayaa waxaa lagu laalay 11-kii xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafka Doorashadda horey uga saareen Liiska Xildhibaanadda ku soo baxay Doorashaddii Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Hogaamiyayaasha Madasha oo markii hore isku khilaafay laalida 11-ka xubnood ayaa waxaa haddana lasoo warinayaa inay isla qaaten in xubnahaasi la laalo.
Xubnaha 11-ka ee la laalay ayaa waxaa markii hore leysku hayay in dib loogu celsho Doorashadooda, waxaana arrintaasi ka hor imaaday Beesha Caalamka.
Dhinaca kale, Hogaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa go’aan ku gaaray in Doorashadda Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka, halka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadkan.