DEG DEG: Maalintii Afaraad oo Kacsan Magaalada Baydhabo Janaay& Xasan Aadan Keerow oo u Geeriyoodey Dhaawacii Shaley.

0
199

Wararka maanta naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegayaan in magaalaasi ku geeriyoodey xasan Aadan Keerow oo shaley dhawac halis ah ay gaasiyeen ilaala shariif xasan sh. Aadan wiilkan da’yar ayaa laga deyrinayey xaaladiisa caafimaad.

Waxaana la filayaa in saacadaha fooga inaga soo aadan lagu aaso magaalada Baydhabo. Marxuumka ayaa waxa uu noqonaya qofkii ugu horeeyey ee loo dilo qadayada lixda Gobol ee KGSoomaaliya, sigoona ka dhiidhinayo dulmiga iyo calaad doro.

Dhanka kale Dadka ku sugan magaalada Baydhabo janaay ayaa waxay u xaqiijeen shabakadda Idale News Online in baydhabo maanta mar kale ka qarxey dibad baxyo lagu diidan yahay shariif xasan iyo dowlada Soomaaliya. xaalada ayaa ah mid aad u cakiran . Dadkun intooda Badan waxay xireen Gobahoodi ganacsiga.

Boqol dad weynaha ayaa lagu arkayaha wadooyinka waa weyn ee Baydhaba, isla markaana taagyeersan maamulka lixda Gobol ee KGSoomaaliya inta u dhaxeyso Afar irdhoodka Baydhabo iyo wada Hotel gacan libaa, isla markaana lulayo calan kGS. waxaana la saadaalin karin xaaladu sida ay ku dambeyn doonto.

Wararku waxa intaasi ku daryaan in laga cabsi qabo in qalalaasahan galey maantii afaraad in uu dhaliyo gacamahal.

Dibaxyadan waxa dhegaya shacabka taagyeersan maamulka madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed isla markaana waxay Diidan yihiin sedex gobol oo garwadeen ka ah shariif xasan isla markaana la rumeysan yahay in dowlada soomaaliya gadaal ka soo riixayso siyaasada shariif xasan.

breakingIdaleNews

kala soco waxii ka soo kordho warakeyga dambe idale News Online