DEG DEG: Kooxda ISIS oo Shaacisay Xarun weyn oo ay ku leedahay Africa, Waa Xagee?

0
240

Riqqa(INO)-Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Ciraqa iyo Siiriya ayaa aqbashay codsi dhawaan uga yimid Kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta Dalka Nageria, kooxdaa oo shaacisay in ay ku biirtay kooxda Daacish.

Cajalad maqal ah uu soo diray Afhayeen u hadlay Hogaamiyaha Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in ay kooxdu aqbashay badeeco ay la gashay Hogaamiyaha Khilaafada Islaamka Sheekh Abubakar Al Baqdaadi.

Afhayeenka u hadlay Hogaamiyaha Khilaafada Islaamka (Dacaish)ayaa sheegay in ay soo gaareen Galbeedka Qaarada AFrika kadib markii kooxda ay beeco la gashay Kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta qeybo kamid ah Dalka Nageria.

Hogaamiyaha Boko Xaram Abu Bakar Shekau, ayaa fariin uu soo diray maalmo kahor ku sheegay in ay ku biireen Kooxda Daacish , Kooxda Boka Haram ayaana hada wajaheysa dagaalo xoogan ay kala kulmayaan Dowlada Nageria iyo Dowlado kale oo daris a ah Dalkaasi.

Idale News Online, Riqqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here